Mareykanka Oo 90% Isaga Baxay Waddanka Afgaanistaan.

Dowladda Mareykanka oo xaaladihii ugu dambeeyay ay kaga baxayso waddanka Afgaanistaan ku guda jirto ayaa ku dhaawaaqday in uu gaba gaba yahay howlgalkeeda insaxaabka ee waddankaas.

Saraakiisha taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay qiimeyntooda ku aadan in ciidamadoooda ay kala baxaan waddanka Afgaanistaa ay dhamaytirantay 90% .

Bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu cadeeyay in si rasmi ah ay 7 xarumood ugu wareejiyeen wasaaradda gaashaandhiga ee xukuumadda Kaabul.

Saraakiisha Mareykanka ayaa waxay sheegeen in 984 diyaaradood oo ah kuwa millatariga iyo 17,074 agabyo millatari ah ay kala bexeen waddanka Afgaanistaan, iyagoo xusay in agabkan intooda badan aysan aheyn kuwa ugu muhiimsan.

Dhanka kale dagaallo xooggan ayaa wali ka socda waddanka Afgaanistaan, kuwaas oo u dhexeeya ciidamada Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ah iyo askarta xukuumadda Kaabul oo ay garabkooda ka bexeen Mareykanka.

Imaarada islaamiga ah ayaa la wareegtay deegaanno hor leh, kuwaas oo qaar kamid ah ay kula wareegtay dagaal, halka intooda badanna ay isaga carareen askarta xukuumadda Kaabul, kadib markii ay maqleen inay kusoo socdaan Mujaahidiinta.

Mareykanka ayaa la faliyaa in waqti dhaw uu si dhamaystiran uga baxo waddanka Afgaanistaan, iyadoona Imaarada islaamiga ah ay iksu diyaarinayso sidii ay gabi ahaanba ula wareegi leheed waddanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.