Markab ay Leedahay Itoobiya oo Kusoo Xertay Mid Kamid Ah Dakadaha Soomaaliya!!

Dekedda magaaalda Berbera ayaa waxaa markii ugu horreysay kusoo xirtay Markab ay leedahay dowladda Itoobiya kaasoo badeecado kala duwan laga dajiyay.

Maamulka Somaliland ayaa dad weynaha ka qariyay xogta markabkan balse waxaa aad ugu faantay dowladda Itoobiya. War kasoo baxay Waaxda adeegyada Maraakiibta iyo Saadka Ethiopia ee magaceeda lagusoo gaabiyo (ESLSE) ayaa lagu sheegay in Markabka GEBI uu si nabad ah kus gaaray dekeda Berbera, Hadda iyo wixii ka danbeeyana ay si caadi ah u socon doonaan hawlahooda badda Soomaaliya iyo wax yaabaha ay kala dagayaan Dekedda Magaalada Berbera.

Sida lagu sheegay warka kasoo baxay Itoobiya waxa uu Markabku halkaas ka dajiyey ilaa 11,200 Tone oo badeecada ah, islamarkaana isugu jira Sokor iyo Bariis, sidoo kalena waxaa Isbuuca soo socda la filayaa inuu Berbera soo gaaro markab labaad oo u raran isla Dowlada Ethiopia.

Tan iyo markii madaxda Itoobiya ay xarigga ka jareen dekedda magaalada Berbera waxaa kor u kacday maciishadda magaaladaas halka dalka Itoobiya ay maciishaddu raqiis ka tahay marka sidii hore loo eego.

Hey’ada (ESLSE) waxay ku faantay in Marinka Berbera uu wax weyn ka badali doono dhaqaalaha Ethiopia uuna soo kordhin doono in dadka Ethiopian-ka ah ay ku tartamaan wax dhoofinta iyo soo dajinta, halka uu kor u qaadi doono agabyada kala duwan ee laga dhoofiyo dalkaasi.

Dhowr sano ka hor ayaa waxaa la iclaamiyay lana soo bandhigay in Itoobiya ay soo iibsatay 9 Markab oo laba kamid ahi ay yihiin Booyadaha Shidaalka qaada halka 7 kalena ay yihiin nooca xamuulka, iyadoo ay xusid mudantahy in kiiba uu qaadi karo wax ka badan 28,000 oo Tone.

Wakaalada ENA oo soo xiganaysa agaasimaha qeybta xiriirka ee Shirkada ESLSE, Maraakiibta kale qudhooda waxaa loosoo jiheyn doono halkan, waa hadii Suuqa Dekedda Berbera iyo wax ka dajintiisi ay noqdaan sidii laga filayay.

Inkastoo Itoobiya ay 90% wax kala dagi jirtay kana dhoofsan jiray Dekedaha ku yaala gudaha dalka Jabuuti iyadoo gacan ka heleysa Faransiiska gumeysiga dadban ku heysta wadankaas ayay haddana fursad weyn u aragtaa dekedda Berbera oo ay ula dhaqmeyso sida iney iyada leedahay oo kale marka la eego saamiga 19% ah ee ay ku leedahay iyo heshiiskii Dpworld ee Imaaraadka.
Madaxweynaha DF, Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa laba sano ka hor Itoobiya u saxiixay afar dakadood oo kuwa dalka kamid ah islamarkaana aan la carra-baabin, heshiiskaas oo lagu sheegay mid ay Xabashidu ku maal gashanayso.

Dagaalka adduunka iyo is-adduunsigii mudada dheer soo socday ee milatariga ayaa u muuqda mid dhanka dhaqaalaha loo weeciyay, waxaana ay dhowr jeer aqoonyahanadu ka digeen Itoobiya iyo shirqooladeeda qadiimiga ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.