Masuuliyiin Katirsan DF Oo Ka Bad Baaday Duqeyn Ka Dhacday Gobalka Mudug.

Guutada madaafiicda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar duqeyn ah la beegsatay xiro ay ku sugnaayeen saraakiil iyo ciidamo taas oo ku taalla qeybo kamid ah gobalka Mudug.

Illaa 10 madfac ayaa gudaha ugashay xirada 21-aad oo ku taalla duleedka deegaanka Bacaadweyne, waxaana xillii la duqeynayay ku sugnaa saraakiil iyo askar.

Wasiirka amniga Maamulka Galmudug Axmed Macallin Fiqi iyo Jeneraal Biixi oo ah taliyaha ciidanka lugta DF-ka oo ku sugnaa xirada ayaa ka bad baaday weerarkaan duqeynta ah.

Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay duqeynta, waxaana mid kamid ah ilaalada Jeneraal Biixi soo gaaray dhaawac halis ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaallo xooggan ka wada gobalka Mudug, halkaas oo ay dhaq dhaqaaqyo millatari ka wadaan ciidamada DF iyo kuwa Maamulka Galmudug.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.