Maxaad Kala Socotaa Xaaladda Dalka Koofur Afrika Iyo Soomaalida Ku Nool?.

Waddanka Koonfur Afrika waxaa ka taagan xaaldo amaan darri ah kuwaas oo saameeyay dadka ku dhaqan gudaha waddankaas.

Dilalka iyo boobka loo gaysanayo goobaha ganacsiga ee ku yaalla dalkaas ayaa aad usii kordhay maalmihii ugu dambeeyay, iyadoona ay Sii xoogeysteen isku dhacyo u dhexeeya kooxo kasoo hor jeeda xarig loo geystay Madaxweynaha dalkaas iyo ciidamada ammaanka.

Arrintaan ayaa sababtay inuu is taago isu socodkii dadka iyo gaadiidka, iyo in la gubo xarumaha ganacsi iyo kuwa dowladeed ee ku yaalla wadanka, iyadoona ay intaas sii dheer tahay dilka bareerka ah ee loo gaysanayo ganacsagada ku sugan halkaas oo ay Soomaalida ugu horreeyaan.

“Meelo kala duwan ayaa gubanaya, Ciidamadu waxa ay rasaas ku ridayaan dibadbaxayaasha oo qudhooda tuuryo kala hortagay, boobka & toogashada Xisbaab malaha waxaana intaas dheer cabsida Ajaanibta goobaha ganacsiga ku leh waddanka” ayuu yiri mid kamid dadka ku sugan dalka Koonfur Afrika.

Koonfur Afrika ayaa hadda u muuqata mid ay xaaladeedu faraha kasii baxayso, waxaana halkaas ka taagan xaalado cakirnaan ah oo saameeyn adag ku yeeshay dadka ajaanibta ee ay kamid yihiin Soomaalida.

Dadka Soomaalida ayaa ahaa kuwa mar walba la beegsado xataa haddii jawiga wadanka uu daggan yahay waxaana rabshadahan ay horseedeen fursado waaweyn oo sahlaya boobka iyo dhibaateynta Soomaalida.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.