Mowjadaha Dabka ee Gobolka California Oo Weli Soconaya. (Sawirro)

Gobolka California ee dalka Maraykanka waxaa ka taagan musiibo Rabaani ah, taasoo ka dhigan dab xoogan oo kasoo billowday keymaha gobolkaas iskuna fidinaya magaalooyinka gobolka.

Heer kulka gobolka ayaa aad u kordhey sababo ku aadan kuleylka uu sababayo holaca dabka oo ku socda si xowli ah, waxaana hadda heer kulka cabirkiisa uu marayaa 53 degree, waana heer kulkii ugu sarreeyay ee laga diiwaan geliyo gobolka tan iyo sanadkii 1913-kii miilaadiyada.

438km oo kamida ah keymaha gobolka California ayaa basbeeley, waxaana uu dabka gaaray xuduuda uu gobolkaas la wadaago gobolka Nevada.

Inkastoo kooxaha dab damiska ay bixinayaan juhdi ballaaran oo lagu doonayo in lagu damiyo dabka hadana xaaladda taagan waxay u muuqataa mid ka weyn awoodooda, sawirro lagu baahiyay intenetkana waxaa lagu arkayay shaqaalaha dab damiska oo daalan, weji xumana ay ka muuqato.

Dabka ka holcaya koonfurta Oregon ayaa kordhay, isagoo gaaray masaafo dhan 311km sida ay ku waramayaan laamaha dab damiska ee wadanka Maraykanka.

Gudi madax banaan oo ka shaqeeya arimaha dabka, fadhigiisuna yahay gobolka California ayaa ka digay in la keydsado wax kasta oo tamar koronto ah, taasoo ay sheegeen iney dhalin karto mowjado kuleyl iyo holac horleh.

Dabka ayaa si xowli ku fidaya, waxaana uu burburay guryo iyo hanti badan, inta badan gobollada xuduuda la leh gobolka California ayuuna gaaray, waxaana dowladda Maraykanka oo sheegata iney gaartay awood maaddi oo aad u sareysa ay u taag la’dahay maareynta musiibadan Rabaaniga ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.