Qarax Lagu Dilay Askar Ka Tirsan DF Oo Ka Dhacay Sh/hoose

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay qarax xooggan la beegsadeen gaari ay wateen askar ka tirsan dowladda Federalka, xili ay ku socdaalayeen qeybo ka mid ah gobalka Sh/ hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Qarax oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxuu ka dhacay degmada Awdheegle ee Shabelleha hoose waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamo ka tirsan DF.

Gaari Biijii ah oo sahay u siday ciidamo ku sugan Awdheegle ayay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab la eegteen qaraxa, kaas oo waxyeello xooggan ay soo gaartay, islamarkaana sababay khasaare kala duwan soo gaaray askartii saarnaa gaariga.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federalka, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 2 kale.

Guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sare u qaaday weerarada qaxayada loo adeegsado oo ay ku bartilmaamed sanayso ciidamada DF, kuwaas oo sababa khasaare xooggan oo isugu jira naf iyo maadi intaba.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.