Qarax Lala Beegsaday Askarta DF Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Matabaan.

Guutada Qaraxyada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta qarax la beegsatay kolonyo ciidan oo ku socdaalaysay qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso islamarkaana ahaa mid xooggan ayaa waxa uu haleelay gaari C/Bile ah oo kamid ahaa kolonyada ciidan ee la qarxiyay, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii saarneed.

kolonyada ciidan ee qaraxa lala eegtay ayaa mareysay xiligii la beegsanayay deegaanka Cowmaad ee hoostaga degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.

Sida ay xaqiijiyeen ilo masuul ah waxaa qaraxaani ku dhintay 2 askari oo ka tirsan ciidamada DF, sidoo kalena waxa ku dhaawacmay 3 kale halka uu burburay gaarigii uu qaraxu haleelay.

Weerarkaan qaraxa loo adeegsaday ayaa ku soo aadaya xili shalay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay duqeyn la beegsatay xero ciidan oo ku taalla nawaaxiga deegaanka Bacaadweyne, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar badan oo ka tirsan ciidamada DF halka ay ka badbaadeen Axmed Macalin Fiqi oo ah Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug iyo Taliyaha ciidanka lugta DF Jeneraal Maxamed Tahaliil Biixi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.