Qaraxyo Khasaare Geystay Oo Ka Kala Dhacay Sh/hoose Iyo Duleedka Kismaayo.

Guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa illaa 3 qarax la beegsatay ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubbaland.

Qaraxyada ayaa waxay si gaar ah kaga dheceen deegaanka Yoontooy oo hoostaga magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose, waxaana lagu dilay 2 askari.

Sidoo kale qarax ayaa lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa DF, kuwaas oo ku socdaalayay duleedka degmada Janaale ee gobalka Sh/hoose.

5 Askari oo katirsan ciidamada DF ayaa lagu dilay qaraxaan, halka lagu dhaawacay 4 kale.

Sidoo kale gaari xamuul ah ayaa ciidamadaan looga gubay qaraxa lagula beegsaday duleedka degmada Janaale ee gobalka Sh/hoose.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii kor dhisay weerarda iyo qaraxyada ay ku naafaynayso ciidamada Shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka iyo kuwa DF.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.