Sh/Abuu Muscab oo Faahfaahin Dheeri Ah Ka Bixiyay Dagaaladii Mudug.

Sh.Abuu Muscab Oo la hadlaya Warbaahinta.

Taliska ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta war kasoo saaray dagaaladii shalay ka dhacay gobolka Mudug gaar ahaan Sabeena-gowrac, Qeycad iyo Bacaadweyn oo intaba hoos taga degmada Hobyo.

Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo Shir-saxaafadeed qabtay ayaa xaqiijiyay in dhammaan degaanadii lagu dagaalamay ay ku jabeen ciidanka Galmudug iyo kuwa DF oo ay hawada ka taageerayeen diyaaradaha Mareykanka.

Wuxuu sheegay in 70 askari ay Galmudug dhimasho iyo dhaawac kaga noqdeen dagaalada kuwaasoo 21 kamid ah ay uga carareen fagaaraha.

Intaa wuxuu raaciyay in degaanka Bacaadweyn iyo goobihii kale ee lagu dagaalamay ay iyagu gacanta ku hayaan ayna nabdoon yihiin, waxaana uu mahad celin u jeediyay bulshada oo iyagu dowr ka qaatay dagaalka.

Halkan Ka Degso Shir jaraa’id Sh Abuu Muscab 27.11.1442

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.