Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Ceelwaaq.

Diyaarad sidday dad rakaab ah kana soo kicitintay magaalada Nairobi ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha degmada Ceelwaaq.

Wararka naga soo gaaraya Ceelwaaq ayaa sheegaya in diyaaradda uu nooceedu yahay 5Y-GRS ay shil ku gashay halkaas, taasoo la tilmaamay inay ku sii jeeday dhanka degmada Ceelwaaq-da labaad ee Kenya heysato kana tirsan Mandheera.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in diyaaraddu ay sidday illaa 45 qof oo ay kasoo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada Kenya iyadoo shilkanna uu sababay khasaarooyin kala duwan.

Waxaa lasoo warinayaa iney dhaawacmeen 7 qof, diyaaraddana waxaa soo gaartay wax yeello culus, kadib markii ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Saraakiil ka tirsan kuwa Kenya ayaa sheegaya in garoonka diyaaradda ee uu shilku ka dhacay uu ahaa mid xirnaa sanadihii lasoo dhaafay.

Duuliyuhu wuxuu si degdeg ah halkaas ugu dajiyay diyaaradda kadib markii uu dareemay cilladda illaa iyo haddana lama hayo faahfaahin intan dhaafsiisan iyo waxa ay ahaayeen dadka rakaabka ah ee dhaawacmay.

Kenya ayaa waxaa sannadkan aad ugu soo batay shilalka diyaaradaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.