Si aan Horey Loo arag Oo Looga Ciiday Kuunya Barrow. (Sawirro)

Deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa looga ciiday si wanaagsan, iyadoona dadweyne aad u farabadan ay isugu yimaadeen musallaha weyn ee Sayid Muxamad Cabdulle Xasan.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa kasoo qeybgalay salaadda, waxaana muuqaneysa in dadku ay aad u tiro badnaayeen.

Khudbado waaqica muslimiinta taabanaya ayaa goobta laga jeediyay, warbaahinta islaamiga ah ayaana goobjooga ahayd oo soo bandhigtay muuqaallo cajiib ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.