Taliye Saqadi: “Khamriga Iyo Xashiishka Wuxuu Somaliland Ka Gaadhay Guri Walba Balad Iyo Baadiyaba” (Dhageyso)

Iyagoo og halka qaadka uu kasoo galo oo Itoobiya ah balse aysan awoodin inay is hor istaagaan oo ay ka hor yimaadaan ayaa xiliyada qaar maamulka Somaliland waxay soo bandhigaan qamri iyagoo umadda isku muujinaya inay kasoo horjeedaan khamriga.

Maxamed Aadan oo ah Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Khamriga Itoobiya ka yimaadaa oo gaaray magaalo guri iyo tuulo.

Waxa uu sheegay in khamriga lasii raaciyo qaadka ka yimaada Itoobiya oo aad usoo gala dhulka uu kataliyo maamulka Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay ogyihiin dadka khamriga iyo xashiiska ka keena Itoobiya.

Itoobiya ayaa galaangal weyn ku leh maamulada Somaliya sida Somaliland iyo Puntland halkaasi oo ay ku leeyihiin safaarado.

Umadda ayaa laga dilayaa damiirka iyagoo lagu soo dhex deynayo khamriga iyo xashiisha si ay ula mid noqdaan siyaasiyiinta shisheeyaha u adeega kuwaasi oo shilimaad iyo mansab dhaafsaday.

Halkaan Ka Dhageyso Codka Taliyaha Boliska Somaliland.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.