Taxanaha Taariikhda inta goor ee aan la gudan waajibaadka Xajka. (Dhagayso Warbixin)

“ 430-kii hijriyada, ma jirin gobol laga soo xajiyay, ha noqoto Masar, Shaam, Ciraaq iyo Khuraasaan” ereyadan oo uu imam As-Suyuudhi kusoo guuriyay kitaabkiisa Xusnul Muxaadirah, waxay na xusuusinayaan waxa ka taagan xajka mowsimkii sanadkii hore ee 1441-da iyo sanadkan 1442-da hirjiyada, taasoo ah in tiro aad u yar oo ka xajineysa gudaha dhulka Xarameynka ay gudanayaan waajibaadka Xajka.

Marka dib loo eego taariikhda, waxaad arkeysaa iney soo martay Xajka xilliyo aan lasoo xajin, waxaana ugu wacanaa inta badan asbaab siyaasadeed ama kuwa amni oo is hortaagaya in dadka muslimiinta ah ay soo xajiyaan, kuna dhawaafaan Kacbada sharafta leh.

Duruufaadkaas kala duwan waxay dhamaantooda saameeyeen shaciirada xajka ee sanadkiiba mar la guto, qaar kamid ah madaxda ayaana si ay u qabsadaan Xaramka oo ay ku heli karaan madaxtinimo diineed, waxay horseedeen in qarniyadii tagay waqti kamid ah la gudan waayo xajka.

Warbixintan, waxaan kusoo gudbin doonnaa taariikhihii aaan lasoo xajin xajka, iyadoo aan u kuur geli doonno asbaabaha arinkaas keeney.

Loolaannadii kala duwanaa, lahaana asbaabaad iyo siyaaq kala gedisan ayaa kamid ahaa arimaha horseeday in la gudan waayo waajibka Xajka, waxaana ugu horeeyay marka laga hadlayo taariikhda Islaamka dagaalkii dhexmaray Xajaaj bin Yuusuf iyo dowladii Cabdullaahi bin Zubeyr.

Imaamu DHabari ayaa kitaabkiisa taariikhda ah wuxuu kusoo warinayaa in sanadkii 73-aad ay waajibaadka xajka gudan waayeen Cabdullaahi bin Zubeyr iyo reer Makkah, sababo ku aadan iyadoo Makkah uu la wareegay Xajaaj bin Yuusuf.

Cabdullaahi bin ZUbyer iyo ragiisa ayaa ku go’doonsanaa magaalada Makkah, sidaas darteed uma aaney suuragelin iney istaagaan Carafah, ruknigaas oo ah xajka weyn ee aan la’aantiisa xajku aan ansax noqoneynin.

Markii ay Calawiyiintu joogay Xijaaz iyo Basra ay ku kacdoomeen dowladii Cabaasiyiinta, kacdoonkoodana uu ku baahay Masar, Shaam iyo inta badan caalamka Islaamka, waaligii Masar ee Cabaasiyiinta Yaziid bin Xaatim ayaa dadka u diiday iney xajiyaan.

Ibnu Taghri Bardi ayaa kitaabkiisa An-Nujuum Az-Zaahirah wuxuu ku leeyahay “ waaligii Masar ee Cabaasiyiinta Yaziid bin Xaatim Al-Mahlabi ayaa dadka ka hor istaagay iney xajiyaan sanadkii 145-aad ee hijriyada, sanadkaasna cidna kama soo xajin Shaam iyo Masar, sababo ku aadan qulqulatooyinkii ka taagnaa Xijaaz ee ay reer banil Xasan kaga soo horjeedeen Cabaasiyiinta”.

Imaam ibnul Jowzi ayaa kitaabkiisa taariikhda ah ee Al-Muntadim wxuu kusoo gudbinaya silsilado dhacdooyin ah oo ay reer Ciraaq iyo wadamada ka dambeeyaba aaney sanado xiriir ah kusoo xajin, sababo ku aadanaa xaaladihii ka taagnaa Ciraaq oo ahayd xaruntii KHilaafada Cabaasiyiinta iyo saldanadihii iyada hoostagayay ee Al-Buwiihiyah iyo As-Saljuuqiyah.

Sanadkii 401-aad ee hijjriyada  ma jirin qof kasoo xajiyay Ciraaq labo arimood darteed: xaaladda amni ee Ciraaq oo xumaatay, ka gadaal markii waaligii Mowsil Qarwaash bin Muqallad Al-Caqiili uu ku baxay dowladdii Cabaasiyiinta, beycana uu la galay khaliifkii shiiciga ahaa ee Faadimiyiinta, Cafiifu-diin Al-Yaafici ayaana kitaabkiisa Mir’aatul Jinaan wuxuu ku leeyahay “ ma jirin cid kasoo xajisay Ciraaq, waqtiga oo xumaa awgeed”.

Sababta labaad: waa iyadoo uu fatahay webiga Dajlah, kadib markii ay qarxeen farihii webiga, biyahan ay qarqoomiyeen tuulooyinkii iyo dhufeesyadii jinka webiga ku yaalay, sida uu tilmaamayo Ibnul Jowzi, taariikhyahanka ay isku xilliga ahaayeen ee Ibnul Athiir ayaa isagana mar uu tilmaamayay arinkaas wuxuu yiri “ biyaah webiga Dajla ayaa kordhay 21 dhudhun, inabadan oo kamid ah Baqdaad iyo Ciraaq ayaana qarqoomey, farihiina way qarxeen, sanadkaasna cidna kama soo xajin Ciraaq”.

Isla sanadkii 401-aad ma jirin cid kasoo xajisay Masar, sababo ku aadan xaaladda amni ee halkaas oo xumeyd, maadaama ay socdeen dagaallo u dhexeeya waaligii Filastiin Xassaan bin Jarraax iyo Faadimiyiinta, oo ka baxay beycadii uu kual jiray Faadimiyiinta.

Ninkan ayaa beyco la galay ashraaftii ka talin jirtay Xijaaz, kuwaasoo laftooda u dhexeeyay xiriirka ay la leeyihiin Cabaasiyiinta iyo Faadimiyiinta, sidaas darteed sanadkaas ma jirin cid kasoo xajisay Masar, sida uu ku sheegayo taariikhyahanka Al-Maqriizi kitaabkiisa Itticaadul Xunafaa.

407-dii hijiryadana ma jirin cid kasoo xajisay Ciraaq iyo Khuraasaan, sida uu sheegayo Ibnul Jowzina waxaa ugu wacanaa loolan u dhexeeyay suldaankii dowladda Abii Shujaac iyo walaalkiisa Qawaamu Dowlah Abil Fawaaris, kuwaasoo isku heystya kursiga madaxtinimada ee saldanadii Al-Buwiihiyah.

430-kii hijriyada, sidoo kale majirin cid kasoo xajisay Khuraasaan, CIraaq, Masar iyo Shaam, sababo ku aadan dagaalladii dhexmarayay dowladihii Salaajiqada iyo Qaznawiyada oo isku hayay cida maamuleysa dhul dhaca bartamaha Asia iyo Iiraan, iyado sidoo kale Shaam iyo CIraaq ay ka socdeen dagaallo ka dhex taagnaa Faadimiyiinta oo shakhsiyaad kamid ah ay isku hayeen cida qabaneysa wasaaradda dowladda Faadimiyiinta.

Khuraasaan, Shaam, CIraaq iyo Masar ayaa waqtiyadaas ka dhignaa goobaha ugu badan ee ay ka yimaadaan dadka gudanaya waajibaadka xajka.

485-tii hirjiayda, waxaa Iyana jiray dagaal ka dhexqaraxay wiilashii Salaajiqada, kadib markii uu dhintay suldaankii imaaradaas ee Malkashaah , waxaana loolankaas uu keeney in dadka ku hoos noolaa dowladaas aysan soo xajin sanadkaas, ciddii is xilqantay ee soo xajisayna waxaa wadada u galay tuugo iyo qudhaacu Dhuruq dadka ka furtay waxay hanti ah oo ay wateen.

Sida Imaamu Dahabi uu ku leeyahay kitaabkiisa Al-Cibar, sanadkii xigay ee 486-dii sooma xajin kolonyadii Ciraq, balse waxaa xajka soo aaday reer Shaam, hase ahaatee waxaa boobay oo wadada u galay ninkii ka talinayay Makkah ee Muxamad bin Abii Haashim, tobanaan jeer oo kelana waxaa wadada u galay dad reer baadiya oo tuugo ah, intii badbaadey ayaana si cajiib ah ku gaaray Xajka, sida uu tilmaamayo imaamu Dahabi.

Dagaalladii dhexmarayay Shiicada iyo Ahlu Sunnaha ayaa iyagana waxay keeneen in dad badan ay kasoo xajin waayaan Ciraaq, sida uu taariikhyahanka Ibnu Kathiir uu ku sheegayo kitaabkiisa Al-Bidaaya Wan-Nihaaya.

Wixii ka dambeeyey markii ay taag dareysay dowladdii Cabaasiyiinta, Ciraaq waxaa kasoo baxay hogaamiyaal dhowr ah oo mid weliba doonayo inuu madax noqdo, qabaa’il carbed ayaana la wareegay wuqooyiga iyo koonfurta Ciraaq, waxaana madaxdaas ugu caansanaa Dubeys bin Cali Al-Asadi.

Sida uu Ibnu Kathiir sheegayo, wuxuu ninkan sanadkii 447-dii hijriyada ku kacay falal qarbudaad ah, isagoo burburiyay deegaanno, dhibaatadii uu dadka ku hayay ayaana horseeday in dadku ay xajin waayaan, waxaana taariikhyahannada qaar ay tilmaamaan in ninkaas uu aaminsanaa fakarka baadhiniyada ee ay faafineysay dowladdii Faadimiyiinta.

Xilligii ay socdeen dagaalladii Masar ku dhexmarayay Faadimiyiinta iyo Ayuubiyiinta, iyo isku dayadii Asadu diin Shiirkooh iyo wiilka uu adeerka u ahaa ee Salaaxu-diin Al-Ayuubi ku doonayeen in Masar ay ku hoos geeyaan dowladii Zankiyada, reer Masar sooma xajin labo sano oo xiriir ah.

Sida uu Cabdil Qaadir Al-Jazari ku leeyahay manduumadiisa,  Ad-Durar Al-Faraa’id Al-Mundammah fii AKhbaaril Xaajji wa dhariiqi Makkatal Mucaddamah, ganacsatadii Makkah sanadkii 562-dii hijriyada waxba maaney iibsan, sababo ku aadna xujeydii Masar oo aan xajka imaanin, iyagoo ku mashquulsanaa dagallada halkaas ka socday.

Wuxuu ula jeedaa dagaalladaas kuwii dhexmarayay Faadimiyiinta iyo ciidamadii dowladda Az-Zankiyah, sanadkii xigay ee 563-diina majirin cid xajisay, sida uu Ad-Dahabi ku sheegay kitaabkiisa Taariikhul Islaam, sababo ku aadan dagaallada oo weli sii socday.

Dhulka Shaam wuxuu isagana marti geliyay dhacdooyin badan oo ay kamid tahay in Saliibiyiintu la wareegeen deegaanada xeebta iyo Filastiin, tan iyo sanadkii 492-dii hijriyada, kadibna Zankiyiinta iyo Ayuubiyiinta ayaa la wareegay Shaam.

Balse markii ay dhinteen Salaaxudiin Al-Ayuubi iyo walaalkiisa lagu naaneesi jiray Al-Caadil, waxaa kursiga dowladda Ayuubiyiinta isku qabsaday wiilashii Al-Caadil, untii u dhexeysay sanadihii 624-tii hijriyada illaa 627-dii hirjiyada.

Sida uu sheegayo Ibnu Kathiir, waxaa gebi ahaanba caddilmey in reer Shaam ay soo xajiyaan, isagoo ka hadlaya dhacdooyinka sanadkii 627-dii hirjiyada wuxuu leeyahay “ ma jirin qof reer Shaam ah oo sanadkaas soo xajiyay, iyo xitaa sanadkii ka horeeyay, iyo sidoo kale sanadkii intaasba ka horeeyey, waana saddex sano oo aanu cidina Shaam kasoo xajin”.

Markii ay Mamaaliiktu la wareegeen Masar, kadib markii Dimyaadh ay ku jebiyeen Saliibiyiinta sanadkii 647-dii hijriyada, sanadkii xigeyna ay dagaal ku huriyeen asyaadooda Ayuubiyiinta ee Shaam joogay, wuxuu dagaalkan saameyn ku yeeshey xaaladaha amni ee Shaam iyo Masar, sida uu sheegayo Ibnu Taghri Bardi, ma jirin cid kasoo xajisay Shaam iyo Masar sanadkii 648-dii hijriyada.

Sidoo kale sanadkii 709-aad ee hijriyada, ma jirin cid kasoo xajisay Shaam sababo ku aadan dagaallada dhexmarayay Mamaaliikta dhexdooda oo isku heystay kursiga madaxtnimada.

Wixii ka dambeeyey markii ay Cabaasiyiintu la wareegeen talada caalamak Islaamka, kadib dagaalladii ay la galeen Umawiyiinta, waxay imaarada Xarameynku raacday Cabaasiyiinta, waxaana inta badan maamulayay rag ku abtirda reer banil Cabbaas.

Dabayaqadii qarnigii saddexaad ee hirjiyada oo ay taag dareysay dowladii Cabaasiyiinta, ina adeeradii Cabaasiyiinta ee Calawiyiinta ayaa la wareegay maamulka Makkah iyo Madiina tan iyo billowgii qarnigii afaraad, iyagoo aan ka bixin sharciyada khilaafada Cabaasiyiinta, waxayna gacan ku heyntooda xoogeystay markii Buwiihiyiinta oo asal ahaan shiico Zeydiyiin ah la wareegeen caasimadda Khilaafada ee Baqdaad.

La wareegitaanka Buwiihiyiinta ee Baqdaad waxay sii xoojisay in Masar ay gooni isu taagto, waxaana xilligaas ka talinayay Masar nin lagu magacaabo Kaafuur, kaasoo kamid ahaa qoyskii Ikhshiidiyiinta, waxaana sida uu soo warinayo taariikhyahan Ibnu Khalduun uu ninkan damaciisu gaaray inuu Baqdaad kula tartamo imaarada Xajka, sanadkii 342-dii hirjiayda waxaa xajka yimid amiir ka socda Ciraaq iyo mid kale oo ka socda Masar, waxaana labada dhinac ay isku qabteen qofka loogu duceynayo khudbada xajka, iyadoo nin weliba uu doonayo in loogu duceeyo amiirka isagu ka socdo ee kala fadhiya Masar iyo Baqdaad, hase yeeshee dagaalka halkaas ka dhacay waxaa lagu jebiyay Masaarida, Buwihiyiinta ayaana khudbadii loogu duceeyay.

Markii ay dowladidi Faadmiyiinta oo ah shiico Ismaaciiliyiin ah la wareegeen Masar sanadkii 358-dii hijriyada, labadi sano ee xigeyna la wareegeen Shaam, waxaa banaanka usoo baxay loolanka u dhexeeya Faadimiyiinta iyo Cabaasiyiinta, dowlad welibana si ay sharciyad iyo aqoonsi uga hesho musliminta waxay xooga saartay iney iyadu la wareegto dhulka barakeysan ee Xarameynka.

Balse khilaafadii Cabaasiyiinta ayaa si adag uga hortagtay isku dayadii Faadimiyiinta, hase yeeshee Faadimiyiinta ayaa milliteri ahaan iyo dhaqaale ahaanba ka xoog badnaa Cabaasiyiinta, waxaana kaloo aad u saacidayay iyadoo talada rasmiga ah ee Cabaasiyiintu ay gacanta ku hayeen Buwiihiyiinta oo ay Faadimiyiintu wadaagaan tawajuha guud ee shiicanimada.

Loolankaas u dhexeeyay Faadimiyiinta iyo Cabaasiyiinta wuxuu marar badan keeney iney dadka wadamadaas ku nool soo xajin waayaan, taariikhyahanka Al-Faasi ayaa kitaabkiisa Shifaa’ul Gharaam bi Akhbaari Baladil Xaraam, wuxuu kusoo warinayaa in reer Ciraaq ay soo xajiyeen sanadkii 380-kii hijriyada, iyagoo tan iyo sanadkii 371-dii aaney jirin cid kasoo xajisay Ciraaq, sababo ku aadna dagaalka u dhexeeyay Cabaasiyiinta iyo Faadimiyiinta.

Taasi waxay ka dhigantahay in 9 sano oo xiriir ah aaney soo xajin reer Ciraaq.

Sanadkii 410-aad ee hijriyada wuxuu loolanka labada dowladood gaaray halkii ugu sarreysay, waxaana gebi ahaanba joogsaday kolonyooyinkii xajka ee ka imaanayay jihooyinka saddexda ah ee wuqooyiga, bariga iyo galbeedka.

Taariikhyahanka Ibnu Cadaara Al-Maraakishi ayaa kitaabkiisa  Al-Bayaan Al-Mughrib wuxuu ku leeyahay “ sanadkii 401-dii hijriyada, ma jirin cid kasoo xajisay Shaam, Ciraaq, Khuraasaan iyo dhamaan jihooyinka, marka laga reebo reer Yemen iyo dad yar oo deris la ahaa Makkah”.

411-kii hijriyada wuxuu Ibnul Jowzi sheegayaa inaanu jirin cid kasoo xajisay Ciraaq, sababo ku aadan macluul halkaas ka dillaacday iyadoo ay socdeen dagaallo u dhexeeyey salaadiintii halkaas ka talineysay.

Imaamu Suyuudhi, wuxuu isagnaa oo guurinaya in 7 sano oo xiriir ah oo kasoo bilaabaneysa sanadkii 423-dii hijriyad aaney reer Ciraaq soo xajin, lix sano kamid ah todobadaas sano waxaa ugu wacanaa qulqulatooyin amni oo halkaas ka taagnaa.

Sanado kamid ah todobadaas sano, wuxuu kaloo Imaamu Suyuudhi sheegayaa inaaney jirin cid kasoo xejisay Bari iyo xitaa reer Masar.

Gudaha Makkah xitaa, kontomeeyadii qarnigii 7aad waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeya ashraaftii halkaas ka talineysya iyo suldaankii Yemen Al-Mudafar, waxaana dagaalladaas ay horseedeen in lagu dagaallamo gudaha Makkah, dhiigana uu qubto wadooyinka, dadkuna argagax darteed ay lasoo xajin waayaan.

Marka loo eego kutubta taariikhda, waxay tilmaamayaan in waqti kamid ah qarnigii saddexaad illaa qarnigii afaraad aaney jirin dad kasoo xajiyay Ciraaq, cabsi laga qabayay Qaraamidhada oo ahaa shiico, kuwaasoo leynayay xujeyda, marka ay ugu roontahayna ka qaadan jiray lacago baad ah.

Hase yeeshee waxaa badnaa inta ay leyn jireen xujeyda, taasi oo cabsi weyn dhalisay, dadkana ku qasabtay iney dhulkooda iska joogaan, maadaama aanu jidku amni ahayn.

Matrka laga soo tago loollannada kajiray deegaannada ku hareereysan Xaramka iyo xitaa gudaha xaramka, kuwaasoo sanado badan dadka ka hor istaagay iney gutaan xajka, hadana dhanka kale waxaa jiray duulaanno khaariji ah oo ay soo qaadayaan dad gaalo ah, kuwaasoo horseeday in sanado dhowr ah aaney dadku xajin.

Duulaankii Tataarka ee Mangooliyiinta ayaana kamid ahaa asbaabihii ugu weynaa ee horseeday in reer Khuraasaan iyo deegannada ka dmabeeya ay sanado soo xajin waayaan, sababo ku aadna cabsida laga qabay Tataarka.

Taariikhyahanka Abuu Shaamatal Maqdasi wuxuu ku warinayaa kitaabkiisa Ad-Deyl Cala ROwdateyn, in sanadkii 617-dii hijriyada aaney jirin cajami yimid xajka, sababo ku aadna cabsida laga qabay Tataarka oo gumaad ka waday inta dhulka u dhexeeya Khuraasaan iyo Xaramka.

Sida uu sheegayo taarikhyahanka Al-Faasi, sanadkii 634-tii hijriyada iyo shanti sano ee xigtay, ma jriin cid kasoo xajisay Ciraaq, sababo ku aadna weeraradii Tataarka oo kusoo batay dalka Ciraaq.

Khaliifkii Cabaasiyiinta Al-Mustansir billaah ayaa ku dhawaaqay Jihaad dafci ah oo looga hortagayo Tataarka, culimadii muslimiinta ee Ciraaq ayaana xilligaas fatwooday in xajka laga baaqsado, Jihaadkana lagu bixiyo hantida iyo nafta intuba.

Xitaa markii uu geeriyooday Al-Mustansri bilalahi, way sii socotay in rer Ciraaq aaney xajin, sababo ku aadan Jihaadkii ay ku jireen, waxaana arintaas ay soo gaartay tan iyo sanadkii 650-aad ee hijriyada.

656-dii oo ku beegneyd markii Tataarku la wareegeen guud ahaan Ciraaq, ma jirin xujjey katimid Ciraaq oo soo gaartay Makkah, waxaana toban sano oo ay Tataarku heysteen Ciraaq jirin cid soo xajisay, taasoo ku ekeyd sanadkii 666-dii hirjiyada.

Bilowgii qarngii 8-aad ee hijriyada oo ay Tataarku qaateen diinta Islaamka, waxaa Ciraq ka billowday dagaallo u dhexeeya madaxdii Tataarka, kadib markii uu geeriyooday Abii Saciid Kharbanda, waxaana tani ay keentay in wixii ka dambeeyay 736-dii hirjiyada, inaaney soo xajin reer Ciraaqna waxay sii socotay sanado badan.

Hogaamiyihii Uzabakiga ahaa ee Taymuurlink ayaa 802-dii iyo sanadkii xigay wuxuu kusoo duuley Ciraaq iyo Shaam, isagoona uga sii gudbay Turkiga, halkaasna wuxu ka geystay kharribaad badan, meelihii ugu weynaa ee uu gubeyna waxaa kamid ahayd magaalada Dimishiq.

Ma jirin cid kasoo xajisay Shaam sanadkii 803-dii hirjiyada, sida uu sheegayo taariikhyahanka Al-Faasi.

Sanadkii 804-aad ee hijriyada wuxuu taariikhyahan Al-Maqriizi ku sheegayaa kitaabkiisa As-Suluuk inaaney jirin cid kasoo xajisay Shaam, Ciraaq iyo Yemen, inkastoo aanu sheegin sababta arinkaas keentay, hadana waxay u badantahay dagaallo xilligaas ka jiray caalamka.

Sanadkii 824-dii hirjiyada ma jirin cid kasoo xajisay Ciraaq iyo Yemen, waxaana ugu wacanaa dagaallo Shaah Rukh uu kula jiray Qaraa Sanqur oo xiriir lahaa aabaha dhalay ninkii maamulayay Baqdaad.

Taariikhyahanka Ibnu Fahad Al-Makky wuxuu kitaabkiisa Itxaaful Waraa bi Akhbaari Ummuil Quraa wuxuu ku sheegayaa in kala go’ go’a ku imaanayay gudashada xajka uu sii socday tan iyo labo qarni.

marka laga soot ago asbaabahaas aan soo sheegnay, waxaa kaloo jiray asbaabo kale oo ay kamid tahay qudhdaacu dhuruqa wadooyinka iyo biyo la’aan ka jirta in sanadaha qaar ay hor istaagi jirtay iney dadku soo xajiyaan.

Inkastoo arimahaas aan kasoo sheekeynay ay taariikh yihiin, hadana waxaynu maanta la noolnahay in sanadkii labaad oo xiriir ah ay tiro yar oo xajineysa gudaha dhulka uu ka taliyo maamulka Aala-Sucuud un ay gudanayaan waajibaadka xajka, iyadoo maamulka Aala-Sucuud diiday in ay soo xajiyaan muslimiinta caalamka, isagoo ku mar marsiyoonaya cudurka Corona virus.

Xilliga uu maamulka Aala-Sucuud is hortaagayo iney soo xajiyaan muslimiinta caalamka, kuna andacoonayo Coronavirus, ayuu maamulku bari iyo galbeed wuxuu isaga keenaya fanaaniin iyo dad musica tumo, kuwaasoo xaflado ay kasoo qeybgalayaan kumanaan ruux ku dhigaya dhulkii ugu xurmada badnaa caalamka ee ay ku yaalaan labada Xaram oo ah Kacabada iyo masjidka Nabawiga.

Lama oga waqtiga uu sii socon karo xannibaadn iyo is hortaagan uu maamulka Aala-Sucuud malaayiin ruux oo muslimiin ah kaga hor taaganyahay gudashada waajibaadka xajka, iyadoo weliba laga yaabo in qofka sanadkan nool ee awoodna u laha inuu guto xajka aanu nolol ku gaarin sanadka kale.

Iyadoo lagu guda jira tobanka hore ee bisha Dul Xajja, xilliyadan oo kalena ay dadka cibaadeysanaya soo buux dhaafin jireen Xaramka kacbada, ayaan xilligan waxaa kacbada ku cibaadeysanaya oo keliya shaqaalaha nadaafadda ee kacbada iyo dad tiro yar oo ka yimid Makkah iyo magaalooyinka u dhow.

Halkan ka dhagayso Taxanaha Taariikhda inta goor ee aan la gudan waajibaadka Xajka

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.