Tirada Dhimashada e Corona virus guud ahaan Caalamka Oo 4 Malyan Tallaabtay.
Tirada dhimashada ee Corona virus ayaa gaartay caalamka oo idil 4 malyan oo ruux, waxaana dhanka kale xilalkooda iska casiley inkabadan toban wasiir oo katirsan dowladda Hindiya.
Sida uu sheegay webka Worldmeter oo soo gudbiya tirada dadka uu ku dhaco ama u dhinta cudurka Coronavirus ayaa sheeegay in tirada guud ee dadka uu ku dhacay cudurka ay gaarayso 185 malyan, 428 kun oo ruux.
Madaxa hay’adda caafimaadka ee WHO ayaa sheegay in dadka u dhintay cudurka Corona virus guud ahaan caalamka ay gaareyso inkabadan 4 malyan oo ruux.
Wuxuu sheegay in sababo ku aadan soo ifbixidda noocyo cusub oo cudurka ah iyo iyadoo aan si cadaalad ah loo qeybinin tallaalka Corona virus ay keentay in wadamada qaar ay aad u kordhaan tirada dhimashada Coronavirus.
Wuxuu intaa ku daray madaxa hay’ada caafimaadka ee WHO inaanu difaaci karin akhlaaqiyan in dowladaha qaar ay keydsadaan talaalka ugu badan ee Corona virus, iyadoo weliba wax laga yaq yaqsooda ku tilmaamay in shaqaalihii caafimaadka ee dowladaha qaar aan weli la siinin tallaalka.
Wadanka Hindiya oo lagu tiriyo wadamada uu saameynta adag ku yeeshey cudurka Corona virus ayaa 12 wasiir oo katirsan xukuumadda, kana mid yahay wasiirka caafimaadka waxay iska casileen xilalkii ay ka hayeen dowladda Hindiya.
Wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Moodi ayaa wajahay dhaleeceyno adag, kadib markii xarumaha caafimaadka qaarkood uu ka dhamaadya Oxygen-ka, taasina waxay soo dedejisay inuu is casilo.
Wasiirkii Bii’ada iyo deegaanka ayaa isagana kamid ah wasirada xilkooda iska casiley, ra’iisul wasaaraha wadankaas ayaana ku howlan isbedel ballaaran oo uu ku sameyanyo golihiisa wasiirada, ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka maxalliga.
30 Malyan oo Hindiyaan ah ayuu ku dhacay cudurka Corona virus, halka sidoo kale tirada dhimashada ay mareyso 404 kun oo ruux.