Weerar Lagu Dilay Dad Rayid Ah Oo Xalay Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Mudug

Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay weerar ay maleeshiyaad hubeysan xalay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug, kaas oo dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka oo ay geysteen rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ahaayeen maleeshiyo beeleed ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dhagxanya-cadde oo hoostaga degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka uu falkaani ka dhacay waxaa weerarkaan lagu dilay laba Nin oo xoolo dhaqato ah halka mid kalena lagu dhaawacay, isla markaana waxaa goobta si dhaqsi ah uga baxsaday raggii geestay weerarka.

Ilaa iyo haatan ma cadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday dadkaasi, balse wararka ayaa sheegaya in weerarkan uu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Deegaannada ay ka arimiyaan maamulada uu shisheeyaha ka dhisay dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca falalka nuucaan oo kale ah kuwaas oo ay ka qeyb qaataan askarta ka amar qaadata maamuladaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.