Weerar Lagu Xasuuqay Hal Qoys Oo Ka Dhacay Gobalka Mudug.

Warara naga soo gaaraya deegaan ka tirsan gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay fal argagax leh oo lagu dilay 3 ruux oo ka wada tirsanaa hal qoys.

Falkaan ayaa ahaa weerar ay rag hubeysan oo aan la aqoonsan heybtooda ay xalay saqdii dhexe ka geesteen duleedka deegaanka Saax-qurun oo ku yaala galbeedka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Sida dadka deegaanka ay u sheegeen warbaahinta weerarkaan ayaa waxay dableyda hubeysan ay ku dileen 2 Carruur ah iyo Aabahood oo lagu magacaabi jiray Xasan Diiriye Cilmi.

Sidoo kale weerarka waxa ku dhaawacmay wiil yar oo 8 jir ah oo ka mid ahaa qoyska la beegsaday balse waxaa ka badbaaday hooyada reerkaan oo aan mesha ku sugneen xiligii falkaan murugada leh uu dhacayay.

Wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya in weerarka uu salka ku haayo aanooyin qabiil oo inta badan ka dhacay goobaha uu ka arimiyo Maamulka Galmudug, waxaana mararka qaar dhacda in falalkaas lagu waxyeeleeyo dadka rayidka ah ay ka qeyb qaataan askarta maamulkaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.