Weeraro Askar Soomaali iyo Shisheeye Lagu dilay Oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Xarunta maamulka Goof Guduud Buurrey oo ay ku suganyihiin Mujaahidiinta-Sawir hore

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay fuliyeen silsilado weeraro ah oo ay ku beegsadeen ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha.

Kamiin ka dhacay meel u dhow tuulada Mareerey ee hoostagta Afgooye ayaa waxaa loo dhigay ciidamo katirsan Dowladda federaalka, askari ayaa goobta lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay.

Inta u dhexeysa Danow iyo Golweyn qaraxyo gaaraya illaa saddex qarax ayaa lala beegsaday ciidamo lugeynayay oo Ugaandhees iyo Soomaali isuga jira, askari Shisheeye ah iyo mid Soomaali ah ayaa goobta lagu dilay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen.

Halkan ka dhagayso Faafaahin ku saabsan howlgalladaas iyo kuwa kale oo ka dhacay Bakool iyo Hiiraan.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.