Weeraro Iyo Qaraxyo ka Dhacay Koonfurta Iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Saacadihii lasoo dhaafay waxay weeraro isugu jira dagaallo toos ah iyo qaraxyo ka fuliyeen deegaanno dhaca koonfurta iyo bartamada dalka Soomaaaliya.

Guutada Qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa shalay qarax la beegsatay saraakiil miino baarayaal ah oo katirsan DF, xili ay ku socdaalayeen nawaaxiga deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa haleelay gaari ay saarnaayeen Saraakiil ciidan, islamarkaana uu lahaa wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee Maamulka Galmudug.

Inta la xaqiijiyay qaraxani waxaa lagu dilay 2 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Bangarafta ee ka amar qaata Mareykanka, halka sidoo kale lagu dhaawacay darawalkii kaxeynayay gaariga uu qaraxu haleelay.

Dhanka kale ciidamada Mujaahidiinta waxay xalay weerar ku qaaden saldhigga ciidamada Kenya ay kaga sugan yihiin deegeenka C/lle Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus islamarkaana la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa khaasare lagu gaarsiiyay askarta Keenyaatiga ah ee ku sugnaa xerada la weeraray.

Howgaladaan ayaa ku soo aadaya xili maalintii shalay Shabaabul Mujaahiddin ay weerar Naftiihurnimo ah ku qaaday ciidamo huwan ah oo ku sugnaa duleedka deegaanka Bacaadweyne, kaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 15 askari, islamarkaana lagu burburiyay ilaa 4 gawaarida dagaalka ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.