Weeraro iyo Qaraxyo ka kala dhacay Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.
Saacadihii lasoo dhaafay qaraxyo iyo weeraro toos ah ayaa ka dhacay qeybo kamid ah gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.
Qarax xoogan ayaa lala eegtay sarkaal katirsan Sirdoonka maamulka Jubbaland, kaasoo ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo.
Sarkaalka qaraxa lala beegsaday waxaa lagu magacaaba Nuunow, wuuna ka badbaaday, balse waxaa si adag u burburay gaariga uu watay.
Ciidamada Mujaahidiinta waxay sidoo kale weerar toos ah oo xoogan ku qaadeen saldhiga ciidamada maamulka Jubbaland ee Afmadow.
Shabeellaha Hoosana, waxaa ciidamada Shisheeyaha lagu weeraray deegaanka Number 60, dagaal culus ayaana halkaas ka dhacay, waxaana kasii horeeyey saddex kamiin oo ciidamada Shisheeyaha loogu dhigay inta u dhexeysa Buufow iyo Number 60.
Dhagayso Weeraro-ka-kala-dhacay-Jubbooyinka-iyo-Shabellaha-Hoose.