Weeraro ka dhacay Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobollada Soomaaliya.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay silsilado weeraro ah oo lagu beegsaday ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha ee dalka duulaanka ku jooga.

Howlgal ka dhacay xaafadda Al-Birri ee duleedka  Mudisho waxaa lagu dilay gudoomiye waaxeed katirsan maamulka degmada Kaxda.

Cali Nuur nin lagu magacaabo ayaa waxaa toogtay rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana ay ka tagteen goobta.

Isgoyska Excontrool Balcad ee magaalada Muqdisho waxaa iyana xalay lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo ku sugnaa isbaaro halkaas u tiillay.

Baardheere oo kamid ah gobolka Gedo iyana waxaa ka dhacay dagaal culus oo lagu qaaday saldhiga ciidamada Dowladda federaalka ee magaaladaas.

Xudur ayaa iyana waxaa lagu weeraray ciidamada Itoobiya ee duulaanka halkaas ku jooga.

Qarax ka dhacay degmada Awdheeglena waxaa lagu burburiyay gaari Biijii ah oo sahay u siday ciidamada Dowladda federaalka, labo askari ayaana ku dhimatay.

Mooto ku safreysay inta u dhexeysa Afgooye iyo Mareerey ayaa iyana waxaa lala eegtay qarax, askari ayaana ku dhaawacmey.

Halkan ka dhagayso Faafaahin Howlgalladii ugu dambeeyay

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.