Al-Shabaab oo Weeraray Saldhigyada DF Iyo Kuwa Amisom.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howgallo ka fuliyeen degmooyin iyo deegaanno dhaca koonfurta dalka Soomaaliya kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay askarta shisheeye iyo kuwa Soomalida ah.
Xalay Mujaahidiintu waxay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamda DF ay ku leeyihiin deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye.
Weerarka oo ahaa mid culus oo la isku adegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay saldhigga waxaana ka dhashay khasaare soo garay askartii ku sugneeed saldhigga .
Sidoo kale rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab aya xalay waxay dagaal fool ka fool ah ku qaadeen labo fariisin oo ay ku leeyihiin ciidamda DF degmada Jannaale ee gobolka Shabeelaha hoose.
Weerarada ayaa si gaar ah kaga kala dhacay buundada weyn ee degmada iyo xaafadda Neeshinka halkaas oo ay dhufeesyo kula haayeen ciidamada DF, balse faafaahin dheeraad ah kama aan helin khasaare lagu gaarsiiyay weerarka askarta DF.
Isla Shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiintu shalay kamiin iyo qarax la beegsadeen kolanyo ka tirsan ciidamada afrikaanta oo sahay waday kuwaas oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose.
Weerarkaan oo isugu jira dagaal toos ah iyo qarax ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Golweyn iyo magaalada Buulo mareer.
Inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay weerarkaan askari ka tirsan afrikaanta waxaana lagu dhaawacay labo kale oo isla Afrikaanta ah halka sidoo kale lagu dhaawacay nin lagu magacaabo maxamed dheere oo tarjumaan u ahaa ciidanka shisheeye.
Dhanka kale Mujaahiinta waxay xalay weeraro qorsheysan ka fuliyeen saldhigyo ay askarta DF ku leeyihiin deegaanada Jaziirada Kudhaa iyo Baar-sanguuni oo kawada tirsan gobalka Jubbada hoose.
Ciidamka Mujaahiddinta ayaa weerar gaar ah ku qaaday labo fariisin ay deegaanka Kudhaa kaga suganyihiin ciidamada DF wuxuuna bartilmaameedka weerarkaan ahaa labo sarkaal oo ku kala sugneed labadaasi goobood, kuwaasi oo lagula kala magaacaabo Sheekeeye iyo Ina Danuun ilaa iyo imikane lama xaqiijin in saraakiishaas weerarkaas ku dhinteen ama ku dhaawacmeen.
Dhanka Baay Ciidamada Mujaahidiintu waxey xalay Toban madfac ku garaaceen saldhiga Xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor madaafiicda waxey ku dhaceen gudaha saldhiga waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray ciidanka Xabashida.
Sidoo kale rag ka tirsan Al-Shabaab ayaa habeenimadii xalay waxay weerar la eegteen labo saldhig oo askarta DF ay ku leeyihiin isla degmada Diinsoor ee gobolka Baay ee koonfur galbeed dalka Soomaaliya.