Wiil ku dhintay Baraakad ku taalla Gobolka Togdheer. (Dhagayso)

Deegaan katirsan gobolka Togdheer ee uu ka arimiyo maamulka Soomaali land ayaa ku waramaya in wiil da’ yar uu ku haftay baraakad ku taalla halkaas oo uu biyo ka dhaansanayay.

Wiilka ayaa da’diisa waxaa lagu sheegay 13 sano jir, waxaana uu ku haftay biyaha baraakadda, taasoo keentay in durba uu halkaas ku dhinto.

Deegaannada wuqooyiga Soomaaliya oo laga isticmaalo baraakadaha biyaha lagu keydiyo ayaa waxaa kusoo badanaya dhacdooyinka noocaan ah, dhawaan ayayna ahayd markii deegaan hoos yimaada magaalada Garoowe ay sidan oo kale ugu dhinteen labo wiil oo dhalinyaro ah.

Dhagayso Wiil ku dhintay baraakad ku taalla Togdheer

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.