Xaaladda Koonfur Afrika Oo Wali Qasan Iyadoo Tirada Dhimashada Ay Kor U Dhaafay 200 Oo Ruux.

Xukuumadda Koonfur Afrika ayaa shaaca ka qaaday in rabshadaha ka socda gudaha waddankaas ay dadka ku dhintay tiradoodu marayso 212.

Hadalkaan ayaa yimid kadib bayaan kasoo baxay xukuumadda Koonfur Afrika, kaas oo looga hadlay tirakoobkii ugu dambeeyay ee tirada dadkii ku dhintay rabshadaha ka socda waddankaas muddo ka badan hal isbuuc.

Dhanka kale warhaygs lagu magacaabo News24 ayaa sheegay in rabshadaha ka socda Koonfur Afrika lagu xaday kunteennar ay rasaas ka buuxaan oo yiillay gudaha bakhaar ay leedahay shirkad hubka dhoofisa oo ku taalla magaalada Durban ee koonfurta waddankaas.

Wargayska ayaa intaas ku daray in ciidamada Koonfur Afrika ay bilaabeen howlgallo lagu baadi goobayo dadkii xaday kunteennarka ay rasaasta ka buuxday.

Dhankiisa madaxweynaha cusub ee Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ballan qaaday inuu soo celin doono nidaamka dalka, islamarkaana xakameyn doono rabshadaha ka dhashay xarigii madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma.

sida ay sheegtay wakaaladda wararka AP ee laga leeyahay waddanka Mareykanka, hadalkaan ayuu madaxweynaha cusub ee Koonfur Afrika ka jeediyay booqasho uu ku tagay Durban oo ah halka ugu daran ee ay rabshaduhu ka socdaan.

Cyril ayaa tilmaamay in rabshadaha ka socda Koonfur Afrika ay yihiin kuwa lasoo qorsheeyay oo la isku dubariday, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in maxkamad lasoo taagi doono dadka ka dambeeya rabshadahaan.

Maalin ka hor dowladda Koonfur Afrika waxay shaacisay bilowga howlgal ay ka qeyb qaadanayaan 25,000 oo askari oo katirsan bosliska waddankaas, si loo xakameeyo rabshadaha ka dhashay xariga madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika.

Xaaladda Koonfur Afrika ayaa ah mid wali qasan, iyadoona boobka iyo dilka ay kusii xoogeysteen magaalooyin dhowr ah oo katirsan waddankaas, Waxaana muuqallada laga baahiyay arrintaan ay muujinayaan in waddanka uu ku jiro xaaladdii ugu xumeyd.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.