Xillibaan katirsan Maamulka Hir Shabeelle Oo Lagu Weeraray Muqdisho.

 

Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku waramaya in qarax xoogan lagu weeraray xillibaan katirsan baarlamaanka maamulka Hir Shabeelle.

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulka Hir Shabeelle Xuseen Oogle ayaa waxaa qarax lagula beegsaday magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa qarax aad u xoogan.

Wararka aynu heleyno waxay xaqiijinayaan in dhaawac garaab ah oo aad u culus u gaaray Xillibaanka, halka uu si adag u burburay gaarigii uu saarnaa.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka ee dowladda federaalka ayaa soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna qaadeen dhaawaca xillibaan Xuseen Oogle.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si buuxda u sheegatay masuuliyadda qaraxan lagu dhaawacay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulka Hir Shabeelle Xuseen Oogle.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.