10 Malyan Ameerikaan ah Oo Bixin waayay kirada Guryaha ay deganyihiin.
Wadanka Maraykanka oo uu dhaqaalihiisa ku saleysanyahay nidaamka Ra’samaaliga ee Ribada ah ayaa waxaa ka taagan xaalad dhaqaale xumo oo aad u baahsan, taasoo keentay in malaayiin ruux oo Ameerikaan ah ay iska bixin waayaan kirada guryaha.
Inkabadan 10 malyan oo ruux oo Ameerikaan ah ayaan bilooyin xiriir ah bixin kirada guryaha ay deganyihiin, waxaana dhamaaday waqtiyo dheeraad ah oo loo qabtay, taasoo ka dhigan in horaanta bishan cusub ee Ogosto si xoog ah looga saari doono guryaha ay kirada ku degnaayeen.
Waxaa dhamaaday labo bilood oo dheeraad ah oo qoysaskan Ameerikaanka ah la siiyay, si ay isaga bixiyaan kirada guryaha, waxayna hadda wajahayaan halista ah in xoog looga saaro guryihii ay degnaayeen, taasoo ka dhigan in guryo ay ka dhigan doonaan wadooyinka iyo kaniisadaha.
Waxaa fashilmey isku dayo iyo fadhiyo ay isugu yimaadeen labada aqal ee Congreska Maraykanka, kaasoo lagu doonayay in lagu meel mariyo shuruuc ogolaaneysa in bilooyin dheeraad ah la siiyo qoysaska Ameerikaanka ah ee awoodi waayay iney iska bixiyaan kirada guryaha.
Sida ay ku doodayaan khubarada dhaqaalaha iyo masuuliyiinta Maraykanka, cudurka Coronavirus ayaa ah sababta keentay in dadkan ay awoodi waayaan iney kirada guryaha iska bixiyaan, sababo ku aadan iyagoo aan shaqeynin bilooyin xiriir ah, iyadoo si guud uu is dhimay wax soo saarka ganacsiga.
Xubno katirsan Congoreska Maraykanka ayaa soo jeediyay in dadkan malaayiinta gaaraya ee kirada guryaha iska bixin waayay la siiyo waqti dheeraad ah oo ku eg 31 Decembar ee dhamaadka sanadkan 2021-da, balse soo jeedintaas ma helin codeynta xillibaannada labada aqal ee dalka Maraykanka.
Haweeneyda masuulka ka ah aqalka sare ee Congreska Maraykanka, kana socota xisbiga dimuqraadiga ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in dhamaan xubnaha xisbiga jamhuuriga ku matalaya Congreska aaney u codeyn waqti kordhintan la siinayo dadka kirada guryaha iska bixin waayay.
Culimada muslimiinta iyo Aqoonyahannada waxay tilmaamayaan in Maraykanku uu heysto dagaalkii uu Allaah ugu hanjabay cid weliba oo ku dhaqanta nidaamka Ribada, kaasoo uu Allaah xarrimey, waxaana dowladan ra’samaaliyadda ku dhisan, sheegatana iney heysato dhaqaalaha ugu weyn adduunka ay ay dadkeedu awoodi la’yihiin iney iska bixiyaan kirada guryaha.
Waxay sidoo kale tani farriin u tahay dadka ay warbaahintu jah wareeriyeen ee ka aaminsan Maraykanku inuu yahay dal barwaaqo oo ay wax weliba ka heli karaan, waxaana iswaydiin mudan sida ay caqli ahaan ku imaan karto in loo hanqal taago ama loo cararo wadan dadkii u dhashey ee ku noolaaba ay ku noolyihiin dhibaatadan, awoodina la’yihiin iney kirada iska bixiyaan.