30 Saraakiil Iyo Ciidamo Isugu Jira Oo Galmudug Looga Dilay Dagaal Maanta Ka Dhacay Qeycad.
Dagaal ayaa maanta mar kale ka dhacay degaanka Qeycad oo dhaca Koofurta gobolka Mudug, halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay ay fariisin ku lahaayeen ciidamada Galmudug. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisinka, halkaasoo ay ku dileen ugu yaraan 30 isugu jira saraakiil iyo ciidamo iyo labaatameeyo dhaawac ah.
Wararka naga soo gaaraya degaanka ayaa waxay sheegayaan in dagaalku ahaa mid xooggan iyadoo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab jihooyin kala duwan uga yimaadeen xerada, iyadoo askarta Galmudug ay noqdeen wax la dilo, qaar la dhaawaco iyo kuwa ku firxada duurka.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa waxay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan u xaqiijiyeen in milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka tallaabsadeen ugu yaraan meydadka 30 askari, kuwaasoo 20 kamid ah ay meel qura yaalleen.
Sodonka la dilay ma ahan askar oo kaliya, balse waxaa ku jira saraakiil iyo taliye-yaal ciidan oo aan qaarkood helnay magacyadooda iyo darajooyinkooda, waana sida soo socota:
1- Cali Diini oo ah taliyihii hore ee saldhiga degmada C/Casiis, haddana ahaa sargaal ka tirsan Booliska Galmudug, waxaa lagu dilay goobta dagaalka.
2-Xirsi Cali Shire oo ku magacawnaa taliyaha ciidanka Badda Galmudug waxaa isagoo argagaxsan lagu qabtay goobta dagaalka sida aan xogta ku helnay, kadib waxaa laga qaatay Bastoolad, Qori iyo Baabuur, waana la toogtay.
3-Maxamed Cali Salaad, oo ahaa taliyaha ururka Horseed ee Daraawiishta Galmudug, wuxuu kamid noqday raggii ugu horreeyay ee la dilay.
4-Ciire Hirsige oo ahaa taliye ku xigeenkii ururka Horseed ee Daraawiishta isna wuxuu ku agdhintay Maxamad Cali oo uu ku xigeen u ahaa.
Intaa waxaa dheer, in maamulka Galmudug laga furtay 3 gaari oo kala nooc ah iyo hub, iyadoo sida aan warka ku heleyno gaadiidka la gubay. Mid kamid ah gawaarida oo ay ku rakibnayd Dhuunshilke ayaa waxaa lahaa Cabdi Qeybdiid, halka labada kale ay ahaayeen kuwa yaryar ee raaxada oo ay ku socdaalayeen saraakiisha la dilay qaarkood.
Xogtan oo aan ka helnay ilo kala duwan oo ay kamid yihiin dadka degaanka Qeycad ayaa intaa ku dareysa in ay suura gal tahay in khasaaruhu intan kasii bato. Xiriir aan la sameynay saraakiisha maamulka Galmudug, kama aysan jawaabin.
Qaar kamid ah wasiirada maamulkaas oo barahooda Internetka soo dhigay hadallo cambaareyn iyo walaac isugu jira ayaa jabka maanta soo gaaray u aaneeyay iyadoo aysan jirin wax diyaarado ah oo hawada ku jiray tan oo muujineysa in ciidamadaas aysan isku kalsoonayn islamarkaana ay tala saartaan diyaaradaha Mareykanka oo usbiicyadii lasoo dhaafay sida aroos oo kale u galbinayay.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo diyaarad iyo diyaarad la’aan intaba la dagaalamayay askarta Galmudug ayaa lasoo sheegayaa iney soo dhaweyn kala kulmeen dadka degaanka Qeycad.
Xaaladda degaanka ayaa caawa ah mid aad u daggan halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.