Aala-Sucuud Oo Ogolaaday in Muslimiinta Caalamka ay Soo Cumreystaan.

 

Wakaaladda wararka ee maamulka Aala-Sucuud ayaa baahisay war la xiriira in boqortooyada Aala-Sucuud ay billaabi doonto qabashada codsiyada la xiriira gudashada cumrada, si tartiit tariib ah, laga billaabo maalinta beri oo Isniin ah.

Warka ayaa wuxuu intaas ku darayaa in ugu horeyn la qaban doono codsiyada ugu yaraan 60 kun oo ruux oo doonaya gudashada cumrada, markaas kadibna loo kala qeybin doono 8 marxladood, si ugu dambeyn tirada guud ee dadka cumreysanaya ay u gaarto 2 malyan oo ruux.

Cabdil Fattaax bin Suleymaan oo ah ku xigeenka wasiirka Xajka iyo cumrada ee maamulka Aala-Sucuud ayaa sheegay iney la gudboontahay dadka soo gudbinsaya codsiyada cumrada iney heystaan shahaado cadeyneysa iney qaateen tallaalka cudurka Coronavirus.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray iney daruuri tahay in shahaadadaas ay kasoo baxdo jihooyin rasmi ah oo laga aqoonsayahay adduunka, tallaalka uu qofku adeegsaneyna uu ahaado tallaal uu aqoonsayahay maamulka Aala-Sucuud, maadaama ay jiraan tallaalo dhowr ah oo loo adeegsado ka hortaga cudurka Coronavirus.

Gawaarida baska ee ay raaci doonaan dadka cumreysanaya ayaa la sheegay inuu qaadi doono markiiba kala bar tirada loogu talalagalay asal ahaan iney raacaan baska, taasoo qeyb ka ah tallaabooyinka looga hortagayo cudurka Coronavirus.

18 bilood ka hor ayuu maamulka Aala-Sucuud wuxuu gebi ahaanba joojiyay dadka muslimiinta ah ee kasoo xajinaya ama kasoo cumreysanaya meel ka baxsan dhulka uu ka taliyo maamulkaas, waxaana labadii sano ee lasoo dhaafay xajka gutay oo keliya muslimiinta ku dhaqan dhulka loogu magacdaray ” Sucuudiga” waxaana hadda tallaabadan aad ugu farxay dadka muslimiinta ee ku han weynaa iney mar un kusoo cibaadeystaan labada masjid ee loo yaqaano Xarameynka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.