Askarigii Ugu dambeeyey Oo Shisheeye ah Oo Isaga baxay Afqaanistaan.
Dalka Afqaanistaan waxaa guud ahaan isaga baxay ciidamadii Maraykanka ee duulaanka ku joogay 20kii sano ee lasoo dhaafey, kuwaasoo maalmihii tagay ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kaabul.
Waxaa hadda dalka Afqaanistaan si buuxda u maamulaya Imaarada islaamiga ah ee Afqaansitaan, ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Badri 313 ayaana gudaha u galay garoonka diyaaradaha ee Kaabul. halkaas oo saacado kahor ay isaga baxeen ciidamada Maraykanka.
Masuuliyiin katirsan Imaarada islaamiga ah ayaa gaaray garoonka diyaaradaha ee Kaabul, kuwaasoo sheegay in maalmaha soo socda uu garoonku billaabi doono shaqooyinkiisa caadiga ah, reer Afqaanistaanna ay isku filanyihiin oo aaney u baahneyn Shisheeye kale.
Waxay tani ka dhigantahay in 20 sano kadib ay reer Afqaanistaan halgan iyo jihaad ku xureysteen dalkooda, umad weliba oo muslim ah kuna dhaqan caalamakana, waxaa Afqaanistaan ugu jira dersi iyo cibro.