Beesha Tunni iyo Wilaayada Shabeellaha Hoose Oo yeeshey Kulan Muhiim ah.
Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa kusoo dhamaaday kulan muhiim ah oo dhexmaray beesha Tunni oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta wilaayada islaamiga ah ee Shabeellaha Hoose.
Kulankan oo ahaa mid wadatashi ah loona arrinsanayay sidii loo hormarin lahaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka, ayaa waxaa ka horeeyay dowro saddex maalin socotay, waxaana dowrada kadib kulanka kasoo baxay bayaan muhiim ah.
Waxgaradka, Odayaasha iyo ganacsatada beesha Tunni oo isaga kala yimid magaalooyin kala duwan ayaa kasoo qeybgalay kulanka, waxaana beesha Tunni ay ballanqaaday iney sii xoojin doonto garab istaaga ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo halganka lagula jiro Shisheeyaha.
Masuuliyiin uu kamid yahay waaliga Shabeellaha Hoose Sheekh Cabdi Samad Abuu C/Raxmaan ayaa kasoo qeybgalay kulanka, waxaana uu waxgaradka beesha Tunni kula dardaarmey iney masuuliyad iska saaraan ballamaha la galay.
Qabaa’ilka Soomaaliyeed ee ku dhaqan goobaha lagu maamulo Shareecada Islaamka ayaa wada shaqeyn wanaagsan la leh Mujaahidiinta, waxaana ay garab taaganyihiin maamullad islaamiga ah, maadaama ay ku heystaan barwaaqo adduun iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Dhagayso Beesha-Tunni-iyo-wilaayada-Shabeellaha-Hoose-oo-kulan-yeeshey