Booyad Sun waday oo ku dhex qaraxday Garoowe. (Dhagayso)
Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, ahna xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney ku dhex qaraxday booyad sun waday.
Booyadan oo la sheegay iney leedahay mid kamid ah shirkadaha joodariyaasha sameeya ayaa ku dhex qaraxday magaalada Garoowe, waxaana suntaas ay sababtay iney miir daboolmaan qaar kamid ah dadweynaha magaalada.
Ugu yaraan 3 ruux oo uu naqasku ku dhegay ayaa la dhigay xarumaha caafimaadka, kuwaasoo mid kamdi ah xaaladihiisa caafimaad laga deyrinayo.
Arintan ayaa dhalisay qalqal soo food saaray dadka, kuwaasoo xiray xarumihii ganacsiga ee hareeraha wadooyinka.
Dhagayso Booyad-sun-waday-oo-ku-dhex-qaraxday-Garoowe
Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.