Ciidamada Itoobiya Oo dhexdooda ku dagaallamay Baardheere. (Dhagayso)

Colaada ka socota dalka Itoobiya ee u dhexeysa qomwiyadaha wadankaas dega ayaa markan usoo gudubtay ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya, kuwaasoo dhexdooda kala qeybsamay.

Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Xabashida Itoobiya, kuwaasoo uu saameeyay dagaalka qowmiyada ku saleysan ee ka soconaya wadanka Itoobiya.

Dagaalka dhexmaray ciidamada Itoobiya ee jooga Baardheere ayaa ahaa mid culus, waxanaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay ku waramayaan reer Baardheere.

Itoobiya waxaa ka soconaya dagaal adag oo dhexmaraya jabhadda TPLF ee Tigreega iyo ciidamada Itoobiya, waxaana TPLF ay la wareegtay dhul ay degto qowmiyadaha Amxraada iyo Canfarta.

Dhagayso Ciidamada-Itoobiya-oo-dhexdooda-ku-dagaallamay-Baardheere

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.