Dhagayso: Weeraro ka dhacay Muqdisho, Jubbooyinka iyo Galgaduud.

Habeennimadii xalay, ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay gobollada Galgaduud, Jubbooyinka iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Galgaduud, guutooyinka madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn ku garaacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Jabuuti oo ay Soomaalidu ugu yeerto Hiil gumeysi.

Muqdisho, ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo ku sugnaa xaafadda Daallo ee u dhexeysa isgoysyada Baar-ubax iyo Black Sea ayaa waxaa weeraray ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, goobtana dagaal culus ayaa ka dhacay.

Jubbooyinka, Kudhaa iyo Kulbiyow ayaa lagu weeraray ciidamada Shisheeyaha ee Kenya ee qeybta ka ah duulaanka lagu soo qaaday dalkeena Soomaaliya.

Dhagayso Faafaahinta howlgalladii ugu dambeeyay

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.