Howlgallo ka dhacay Muqdisho iyo Jubbooyinka. (Dhagayso)
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo qeybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose waxaa habeenkii xalay ka dhacay silsilado weeraro ah oo ay fuliyeen ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, laguna beegsaday askarta Dowladda federaalka, kuwa maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenyaatiga.
Qarax xoogan ayaa ka dhacay goob ay xaafadda Seybiyano ee magaalada Muqdisho kaga sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka, waxaana qaraxa ka dhashey dhaawaca 3 askari.
Xaafadda Carafaat ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale lagu weeraray ciidamada Dowladda federaalka, qaraxa lala beegsaday ayaana ahaa mid culus.
Jubbooyinka, ciidamada Mujaahidiinta waxya weerar ku qaadeen saldhigyada ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ee deegaanka Hosingow iyo degmada Afmadow.