Imaarada Islaamiga ah: Waxaan u mahadcelineynaa guud ahaan Muslimiinta Caalamka.

Imaarada islaamiga ah ee Afqaanistaan ayaa u mahadcelisay guud ahaan muslimiinta caalamka oo ay sheegtay iney reer Afqaanistaan ku garab istaageen dagaalka ay la galeen ciidamada Maraykanka iyo Nato ee duulaanka ku tagay dalkaas.

Muxamad Nuceym oo ah afhayeenka maktabka Siyaasadda ee Imaarada islaamiga ah ayaa sheegay in guusha Afqaanistaan ay ugu hambalyeynayaan muslimiinta dalkaas iyo guud ahaan caalamka, wuxuuna Allaah kadib u mahadceliyay shacabka reer Afqaanistaan iyo guud ahaan muslimiinta caalamka.

“Tani waa ilbiriqsi taariikhi ah, oo kamid ah taatriikhda shacabka Afqaanistaan, waxaan hambalyo gaar ah u direynaa shacabkeena, hogaamiyaasheena, Mujaahidiinta, iyo dhamaan umadda muslimka ah, xaqiiqdii tani waa ilbiriqsi taariikhi ah” ayuu yiri Muxamad Nuceym.

“Jihaadkan iyo halgankan wuxuu ahaa mid Allaah dartii ah, waxaana lagu doonayay in lagu xureeyo dalka Afqaanistaan, Alxmduillaha, hadana waxaan gaarney waxaan dooneynay oo ah inaan xureyno dalkeena, horey iyo hadaba Alle ayaa mahad leh” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Afhayeenka Imaarada.

“Shakki kuma jiro in ilibirqsiyadan ay yihiin kuwa weyn oo lagu farxo, marka lo eego shacab weliba oo kamid ah shucuubta caalamka, inbadan Allaah ayaan u mahadineynaa, waxaan sidoo kale u mahadcelineynaa guud ahaan shacabkeena, waxaan sidoo kale u mahadcelineynaa guud ahaan muslimiinta, iyo cid weliba oo garabkeena istaagtay, kuwaasoo nagu garab istaagay hadal, ficil ama duco” ayuu yiri Muxamad Nuceym oo ah afhayeenka maktabka Siyaasadda ee Imaarada islaamiga ah.

Dhagayso Askarigi ugu dambeeyey Amerikan ah oo ka baxay Afqanistaan iyo dabaaldegyo soconaya

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.