In Ka Badan 10 Ruux Oo Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Bariga Dalka Koongo

Wararka naga soo gaaarya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa sheegaya in deegaanka dhaca bariga dalkaas uu ka dhacay weerar dad badan oo rayid ah lagu dilay.

Weerarka ayaa ka dhacay tuulada Kassanze ee ku taalla Waqooyiga gobalka Kivu waxaana geestay kooxo hubeysan sida uu wakaaladda wararka AFP u sheegay sarkaal ka tirsan maamulka gobolka, wuxuuna intaa ku daray in khasaare xooggan oo nafeed uu ka dhashay weerarka.

Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska oo Warfidiyeenada lahadlay ayaa sheegay in ugu yaraan weerarka lagu dilay19 ruux oo rayid ah islmarkaana ay ku jiraan haween iyo caruur halka tiro kale oo dad ahna lagu la’yahay sida uu xaqiijiay masuulkaan.

Sidoo kale wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in kooxda geysatay weerarka ay horay u sii ka xeesteen dad nool oo aan lacayimin cadadkooda.

Gobollada dhaca waqooyiga dalka Koongo oo ay ku xooggan yihiin kooxo hubeysan ayaa waxay tan iyo bishii May ku jireen xaalad go’doomin ah, iyadoona ay marar badan ka dhaceen weeraro dad badan lagu laayay oo ay geesteen kooxahaas.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.