Kenyaatiga, Itoobiyaanka iyo Dowladda Federaalka Oo Lagu Weeraray Goobo kala duwan.
Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay howlgallo kala duwan ka fuliyeen qeybo kamid ah dhulka ay Shisheeyaha xooga kaga suganyihiin ee dalkeena Soomaaliya.
Muqdisho, qaraxyo dhowr ah ayaa lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka ee la shaqeysa Shisheeyaha dalka kusoo duuley, waxaana meelaha ay ka dheceen qaraxyadaas kamid ah xaafad ku taalla isgoyska Ex-contorool iyo degmada Hodan.
Waxyeello kala duwan ayaa ka dhashey qaraxyadaas, iyadoona mid kamid ah uu askari ku dhintay, halka askar kalena ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada Mujaahidiinta waxay sidoo kale weerar culus ku qaadeen saldhiga ciidamada Xabashida Itoobiya ee degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, dagaalka kadibna ciidamada Itoobiyaanka waxay dhulka howdka ah ku rideen madaafiic culus.
Jubbooyinkana, Kudhaa iyo Cabdalla biroole ayaa lagu weeraray ciidamada Kenya ee qeybta ka ah duulaanka ay Shisheeyuhu kusoo qaadeen dalkeena Soomaaliya.
Dhagayso Faafaahinta Howlgalladii-ugu-dambeeyay-ee-ka dhacay- Soomaaliya