Kooxo Kirishtan Ah Oo Dad Mulimiin Ah Ku Xasuuqay Bartamaha Dalka Nigeria
Wararka naga soo gaaraya dalka Nigeria ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika ayaa waxay ku waramayaan in halkaas uu ka dhacay weerar lagu laayay dad muslimiin Xujey ahaa, kaas oo ay geysteen malleeshiyaad hubeysan oo Kirishtan ah sida ay sheegeen mas’uuliyiinta waddankaas.
Weerarka ayay kooxdaan Kirishtanka ah waxay la beegsadeen kolonyo gawaari ah oo ay wateen dad muslimiin ah oo ka yimid Xajka xili ay ku sugnaayeen gobolka Plateau ee badhtamaha dalka Nigeria waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday in ka badan 30 ruux oo muslimiin ah.
Afhayeen u hadlay booliiska dalka Nigeria ayaa sheegay in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen shan gaari oo bas ah islamrkaaana ay la socdeen muslimiin xujey ah, iyadoona halkaas ku dilay 22 ruux sidoo kalana ku dhaawcay 14 kale.
Mus’uul ka tirsan gobolka Plateau oo ah halka uu ka dhacay falkaan ayaa warbaahinta u sheegay in 3 ruux oo kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarka ay dhinteen kadib markii la geeyay isbitaalka taas oo ka dhigaysa tirada dadka lagu xasuuqay weerarkaan 25 ruux.
Gobollada dhaca waqooyi-galbeed iyo bartamaha dalka Nigeria ayaa inta badan waxaa ka dhaca weerarada ay geestaan kooxaha Kirishtanka ah kuwaas oo khasaare culus loogu geesto dadka Muslimiin ah ee ku dhaqan dalkaas.