Koror Ku yimid Khasaaraha iyo Gaadiidka Lagu qabsaday Dagaalkii Cammaara.
Waxaa la helayaa xogo dheeraad ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashey dagaalkii cuslaa ee maalintii shalay ka dhacay deegaanka Cammaara ee gobolka Mudug, kaasoo dhexmaray ciidama katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo askarta Dolwadda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug.
Inta haatan la xaqiijiyay, tirada dhimashada ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug waa 35 askari, kuwaasoo 3 kamid ah yihiin saraakiil sar sare oo katirsan Dowladda federaalka.
Gawaarida dagaalka ee ay gacanta ku dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waa 18 gaari, kuwaasoo 10 kamid ah ku rakibanyihiin qoriga Dhashiikaha.
Dhagayso Koror ku yimid khasaarhaa iyo gawaarida lagu qabsaday Dagaalkii Cammaara