Qaraxyo Khasaare Geestay Oo Ka Dhacay Gobollada Bari iyo Jubbada Hoose.
Guutada Qaraxyada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay fulisay weeraro loo adeegsaday qaraxyo kuwaas oo lala eegtay gawaari ciidan oo ay wateen askar ka kala tirsan ciidamada maamullada Jubbaland iyo Puntlanad.
Qaraxyadaan oo ahaa kuwo xooggan ayaa waxaa ka dhashay khasaare culus oo soo gaaray ku dhawaad 20 askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Puntland.
In ka badan 10 askari oo ka mid ah ciidamada Jubbaland ayaa ku dhintay, gaari C/Bile ahna waa ku burburay mid kalana wayeello ayaa soo gaartay kadib markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay labo qarax kula eegteen duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta qarax xooggan duleedka magaalada Boosaaso ee gobalka Bari kula bartilmaameedsaday gaari ciidan oo ah nuuca Soomaalida utaqaan C/Bilaha, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ugu yaraan 10 askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Puntland, halka gaarigii la qaraxiyayna uu burburay.
Qaraxyadaan khasaaraha culus sababay ayaa ku soo aadaaya xili saakay Barqanimadii weerar dhabba-gal lagula beegsaday ciidamo ka tirsan maamulka jubbaland oo ku socdaalayay inta u dhaxeeysa deegaannada Baarsanguuni iyo Singaleer ee duleedka magaalada kismaayo, kaas oo ay ku dhinteen 2 askari halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen.