Saraakiil Katirsan DF Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Xalay iyo shalay ciidamo gaar ah oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgallo qorsheysan oo saraakiil lagu dilay iyo qarax waxay ka fuliyeen qaar kamid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Shalay Galab ciidamo gaar oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay weerar qorsheysan ku beegsadeen sarkaal ka tirsanaa hay’adda sirdoonka DF, kaas oo ka dhacay degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay agagaarka hoteelka Garguurte ee degmada Hilwaa, waxaana nafta lagu dhaafiyay Socdaal Saadow, oo ahaa sarkaal katirsan sirdoonka DF.

Isla shay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay beegsadeen sarkaal kale oo katirsan ciidamada DF gaar ahaan kuwa Minashiibiyada.

Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa lagu beegsaday sarkaalkaan oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Sandheere, waxaana rasaasta ciidamada Mujaahidiinta oo haleeshay ay sababtay geeridiisa.

Habeenkii xalay waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho ka dhacay qarax lagu beegsaday masuul katirsanaa DF.

Gudoomiyaha amniga degmada Hiliwaa ahna gudoomoiye ku xigeenka degmadaas ayay mujaahidiinta ku qarxiyeen isla degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii laba jibaartay howlgallada qorsheysan ee ay ka fulinayso gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku beegsanayso masuuliyiinta iyo askarta DF.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.