Wasaaradda Difaaca Mareykanka Oo la xiray kadib weerar ka dhacay Nawaaxigeeda.

Wararka ka imaanaya waddanka Mareykanka ayaa ku waramaya in rasaas xooggan laga maqlay nawaaxiga xarunta wasaaradda difaacada ee Mareykanka.

Sida ay waxyar ka hor baahisay warbaahinta Mareykanka, xiritaanka xarunta ayaa timid kadib markii rasaas xooggan laga maqlay goobo u dhaw xarunta, taas oo baqdin galisay saraakiisha iyo askarta Mareykanka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa sheegay in rasaasto ay wali ka socoto meel u dhaw wasaaradda isagoona xaqiijiyay in gabi ahaanba albaabada la isugu dhiftay xarunta.

Waxa uu intaas ku daray in wasaaraddo ay soo saartay digniinno la xiriira falkaan, iyadoona dhammaan dadka ku sugan gudaha xarunta wasaaradda laga codsaday inay halkooda ku sugnaadaan.

Is rasaareynta ka dhacday agagaarka wasaaradda difaaca ee Mareykanka ayaa lagu dilay mid kamid ah ragii weerarka fuliyay, kadib markii uu toorrey ku dilay askari katirsan boliska Mareykanka.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya maalin un kadib markii diyaaradda helokobtar ah islamarkaana ay saarnaayeen saraakiil American ah ay ku bur burtay gobalka Calafornia, ee gudaha waddankaas, iyadoona gabi ahaanba au dhinteen 4 sarkaal oo saarnaa diyaaradda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.