Weerarro Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.
Saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay magaalada Muqdisho ka geesteen howlgallo isugu jira iqtiyaal, weerar toos ah iyo qaraxyo, kuwaas oo ay ku nafwaayeen askar ka tirsan ciidamada DF.
Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Shalay dharaar cad weerar dhabagal ah ugu dhigeen kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan Maamulka degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.
Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ku dhacay kolonyo gelbinaysay Shiikhay Abuubakar iyo Xuseen Biiray oo ka mid ah mus’uuliyiinta degmadaas waxaana inta la hubo lagu dilay kamiinka hal askari, iyadoona lagu furtay hal qori.
Sidoo kale rag hubeysan oo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay howlgal fariid ah oo ay ka fuliyeen Xuuqa weyn ee degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir waxay ku qaarijiyeen askari ka tirsan ciidamada DF.
Askariga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jiinow Carabey, wuxuuna caan ku ahaa dhibaataynta dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan degmadaas, waxaana laga qaatay qorigii uu ku hubeysnaa.
Isla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho waxaa xalay fariisin ay ciidamada DF ku leeyihiin degmadaas lagu weeraray qarax xooggan kaas oo waxyeello ay ka soo gaartay askaritii ku sugneyd fariisinka la bartilmaameedsaday, balse wax faahfaahin ah kama aanan helin khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxaasi.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa waxay dardar geliyeen weerarada ay ka geestaan gudaha magaalada iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo lagu naafeeyo saraakiisha iyo askarta ka tirsan dowladda Federalka.