10 Askari Shisheeye ah oo ku dhintay Shabeellaha Dhexe iyo Gedo. (Dhagayso)

 

Wararka ka imaanaya gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Gedo ee Soomaaliya ayaa ku waramaya in qaraxyo xoogan oo halkaas lagula beegsaday ciidamada Shisheeyaha ay dhaliyeen khasaare kala duwan.

Qarax ka dhacay deegaanka Buurane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, lalana beegsaday ciidamada Burundi ayaa waxaa ka dhashey waxyeello adag.

Gaari Taw ah ayaa gebi ahaanba burburay, waxaana ku dhintay 7 askari oo katirsan ciidamada Burundi halka uu dhaawac halis ah soo gaaray askari kale.

Dhanka gobolka Gedo, qarax xoogan ayaa ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Ceel-waaq, kaasoo lagu beegsaday ciidamada Kenya.

Ugu yaraan 3 askari oo Kenyaati ah ayaa dhintay, halka saddex kalena ay dhaawacmeen, waxaana qaraxu ka dhacay afaafka hore ee saldhig ciidamada Kenyaatigu ku leeyihiin halkaas.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weeraradan lagu diley 10 askari ee Shisheeyaha Burundi iyo Kenya katirsan, halka lagu dhaawacay 4 kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.