15 Askari Kenyaati ah Oo ku dhintay Qarax ka dhacay gobolka Laamu.

Gaari ciidamada Kenya leeyihiin oo ku gubanaya gudaha dhulka Kenya

Wararka ka imaanaya gobolka Laamu ee dhaca xeebta Kenya ayaa ku waramaya in halkaas qarax culus lagula beegsaday ciidamo Kenyaati ah.

Qarax ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Kayunga iyo Shangani ee Laamu, waxaana lala eegtay gaari Biiji ah oo ay saarnaayeen ciidamo Kenyaati ah.

Ugu yaraan 15 askari oo Kenyaati ah  ayaa ku dhintay qaraxa, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 10 kale.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan lagu beegsaday ciidamada Kenyaatiga ee geystay khasaaraha ba’an.

Laamu iyo dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya xooga ku heysato waxaa ka howlgala ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaasoo beegsada ciidamada Kenyaatiga iyo dadka Nasaarada ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.