Al-Kataa’ib Oo Baahisay Dukumentry Loogu magacdaray “Saa’a maa Yaxkumuun”.
Taxanaha Saa’a maa Yaxkumuun ee mu’assasada Al-Kataa’ib, waxay sheekadiisu kasoo billaabaneysaa 1960-kii, xilligaas oo la sheegay in Soomaaliya gaartay xurnimadeeda, gumeystahana dalka uu ka baxay.
Balse sida uu cadeynayo qeybta koowaad ee taxanaha Saa’a maa Yaxkumuun, waxay ahayd xurriyad dhalanteed ah oo aan dhameystirneyn, qolyihii uu gumeystuhu habey ayaana talada dalka loo gacan geliyay, kuwaasoo baadinimada kasii amba qaaday halkii ay kaga tageen gumeystaha.
Waxaa filimka kasoo muuqanaya dadyow kala duwan oo xitaa kala afkaar ah, balse qaab sardinta sheekada iyo siday arintu ku biya shubatay ka siman, waxaana kamid ah culimo, Siyaasiyiin iyo nabadoonno Soomaaliyeed.
Sheekh Cali Sheekh Muxammad Mataan, oo ah xog-ogaal ka taariikhiyay dhacdooyinkii Soomaaliya ugu waaweynaa intii u dhexeysay 1950-kii illaa 1991-dii ayaa tilmaamaya in dastuurka loo dejiyay Soomaaliya uu qoray nin lagu magacaabo Muxamed Sheekh Gabyow, uuna la qoray nin Yahuudi ah oo lagu magacaabo Shibron, kaasoo jeeda dalka Talyaaniga.
Hadaba si loo meel mariyo dastuurkan, dadka iyo dalkana looga dhigo Masdar ay u xukun tagaan, waxay dowladdii Soomaaliya ee uu gumeystuhu dhisay horgeysay golihii baarlamaanka, waxaana ay u codeeyeen iney ku dhaqmaan dastuurka ama Shareecada Islaamka, arinta la yaabka lehna waxay tahay in 2 ruux mooye intii kale ay u codeysay in la fogeeyo Shareecada, dastuurka gcan ku sameyska ahna loo xukun tago.
Dhagayso Warbixin Taxanaha Saa’a maa Yaxkumuun 01
Daawo Taxanaha Saa’a Yaa Yaxkumuun