Dhageyso Amxaarada & Oromada oo Ku Dagaalamaya Jigjiga Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Itoobiya.

Iyadoo si guud ahaaneed uu dalka Itoobiya uga babanayo calanka dagaalka ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay sii xoogeysatay xiisad maalmahanba u dhaxaysay Oroada iyo Amxaarada ku nool dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan magaalada Jigjiga.
Rabshado iyo khalalaase ay abuureen Amxaarada ayaa saameyn ku yeeshay adeegga guud ee bulshada kadib markii ay shucuubtoodu billaabeen iney beegsadaan qof walba oo Oromo ah, oo ay dhaayaha saaraan, iyagoo la dhacaya dhagxaan iyo budad.

Rabshadahan xooggoodu waxay ka socdaan Jaamacadda weyn ee magaalada iyo qaar kamid ah xaafadaha, tan oo keentay in gabi ahaanba wax barashadii jaamacaadu ay istaagto. Ardayda Amxaarada oo ah kuwa aad u badan ayaa jaamacadda ku weeraray ardayda Oromada, waana sababta keentay in labada dhanba ay dagaalamaan.

Haddaba, maxaa natiijo ah oo ka dhashay khalalaasaha, halkee bey mareysaa xiisadda Soomaalida iyo Canfarta, maxaase ka cusub furimaha dagaalka ee dowladda Itoobiya iyo Tigreega? Arrimahaas oo dhan ku dhageyso warbixinta.

Halkan ka dhagayso Warbixn Ku Saabsan Waxa Jigjiga Ka Socda.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.