Dhageyso Camaliyad Nafhurnimo Oo khasaare dhalisay Oo ka dhacday Muqdisho. (Faahfaahin)

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa tilmaamaya in camaliyad nafhurnimoi lagu beegsaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Camaliyadan Nafhurnimada ah ayaa ka dhacday nawaaxiga warshadda Nac-naca ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana jugteeda si weyn looga maqlay caasimadda.

Ugu yaraan 11 ruux oo katirsan Dowladda federaalka ayaa lagu dilay camaliyadda Nafhurnimada, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 16 kale oo iyana katirsan isla Dowladda federaalka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda camaliyadan Nafhurnimada ee dhalisay khasaaraha.

Ciidamada Dowladda federaalka ayaa hadda ku sugan goobta ay camaliyaddu ka dhacday, kuwaasoo laga dareemayo naxdin iyo indha taag taag, iyagoo ka cabsi qaba in markale lagu beegsado weerar kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.