Ciidamada DF oo La Hoos Geeyay Taliska Shisheeyaha Ee Deggan Xalane.

Taliska ciidamada shisheeye ee la baxay Amisom ayaa ku guuleystay in si sandulle ah loogu wareejiyo maamulka ciidamada DF, halka markii hore ciidamadu ay ku dhaqdhaqaaqi jireen awaamiir wadajir ah oo ka timaada Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska ciidamada shisheeye (Amisom)

Kadib jabkii ciidamada DF, ku qabsaday gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan degaanka Warciise iyo Biyo Cadde, iyo eedeyntii ay saraakiisha DF, u jeediyeen ciidamada shisheeye ee ahayd iney caawin waayeen, ayaa waxaa dhacday in ciidamada shisheeye ay u hir gasho dantoodii ahayd in ciidamada DF ay iyaga ka amar qaataan.

Mas’uuliyiinta Amisom, waxay kal hore eedeyntii Sh/dhexe uga jawaabeen in ay ku saxan yihiin garab ka bixidda ay ku sameeyeen ciidamadii DF, ee dharbaaxada kala soo kulmay Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyagoo ku andacooday ineysan saacidi karin ciidan aan iyaga ka amar qaadan ama aan la socodsiin tallaabada ay qaadayaan.

Taliska ciidamada DF, oo markaasi isku muujinayay iney ka maarmi karaan Amisom, ayaa ugu dambeyntii dantu ku kalliftay iney qoorta u dhiibtaan xerada Xalane, hadda wixii ka dambeeyana ma awoodi karaan wax aaney saraakiisha Afrikaantu qalinka ku duugin.

Munaasabadda lagula wareegayay maamulka ciidamada DF ayaa ka dhacday xerada Xalane, maanta oo Sabti ahayd, waxaana ka qeyb galay taliyaha milatariga DF, Odowaa Yuusuf Raage iyo taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM oo lagu magacaabo William Kitsao Shume.

Qoraal ka soo baxay taliska shisheeyaha ayaa lagu sheegay in xarunta laga furay xerada Xalane aysan ka dhignayn mid lagu maamulayo ciidamada DF, balse ay tahay xarun si wada jir ah ay awaamiirta uga soo saari doonaan taliska DF iyo kan Amisom.

Odowaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in xaruntan ay fududeyn doonto wax badan oo hawl gallada kamid ah, xilli horey loogu adkeeyay waxyaabo isaga rabitaankiisa ahaa.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa bannaanka yaallay kala tagsanaan weyn iyo khilaaf ka dhaxeeyay taliska ciidamada DF iyo taliska Amisom, hadda wixii ka dambeeya ciidamada DF ayaa noqon doona kuwa ay shisheeyuhu ka dhigtaan carro tuur intii hore ka badan islamarkaana ay ka dhigtaan aalad ay ku sahmiyaan Miinooyinka iyo Qaraxyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.