Dagaallo culus oo ka soconaya gobolka Ma’rib ee Wuqooyiga Yemen.

I

Wararka ka imaanaya wuqooyiga dalka Yemen waxay ku waramayaan in halkaas ay ka socdaan dagaallo culus oo dhexmaraya ciidamada xukuumadda Yemen iyo malleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Dagaallada ayaa ah kuwa culus, waxaana ka dhashey khasaare ba’an oo kala gaaray dhinacyada dagaallamaya, walow ay ku badantahay dhanka Xuuthiyiinta oo laga diley inkabadan 40 askari.

Diyaaradaha isbaheysiga Carbeed ee howlgallada kawada Yemen ayaa lagu soo waramayaa iney ka qeyb qaadanayaan dagaallada, kuwaasoo duqeymo ku dilay tiro askar Xuuthiyiin ah.

Dhinacyada dagaallamaya ayaa guulo kala sheeganaya, waxaana Ma’rib lagu tilmaamaa inuu yahay gobol muhiim ah marka loo eego naftada uu caanka ku yahay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.