ERGEY IYO ASKARI LAGU KALA DILEY MUQDISHO IYO BAYDHABO. (DHAGAYS0)

Saacadihii lasoo dhaafey waxaa dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay xubin katirsan ergadii soo xushey baarlamaanka Dowladda federaalka iyo askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, rag hubeysan oo katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay ergey katirsan raggii soo xuley xillibaannada dowladda federaalka ku matalaya maamulka Koonfur galbeed.

Ninkan la dilay ayaa waxaa lagu magacaabayay Liibaan, waxaana ragga dilka geystay ay isaga dhaqaaqeen goobta iyadoo aaney jirin wax cabsi ah oo ay qabaan.

Dhinac kale, magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa lagu toogtay askari katirsan ciidamada Booliiska dowladda federaalka.

Askariga dilka loo geystay ayaa lagu soo waramayaa in laga qaatay qori uu watay.

Halkan ka dhagayso Ergay iyo Askari lagu kala diley Muqdisho iyo Baydhabo

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.